Sideedaba Afkaarta ku salaysan kaligay baa matala xaqa,wixii iga duwanaadana waa gaalo,ama waa dad lunsan waa afkaar khaldan oo salka ku haysa aragtiyada Baadilka iyo Xagjirnimada ah.
Waayo Xaqu waa mid dulqaad u leh inuu dhagaysto doodaha kuwa ka soo horjeeda,Isla markaana u Cadaalad Sameeya kuwa khilaafsan aragtida Xaqa ah xoriyadoodana aan ku xadgudbin.
"وَإِنَّا أَوْ إِيَّاكُمْ لَعَلَىٰ هُدًى أَوْ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (24)"
"Waxaad ku tiraahdaa Anaga ama idinka midkayo ayaa saxan ama baadi cad ku jira”.
"قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا (84)
“Waxaad tiraahdaa Qof waliba Ha u camal Falo Sida ay la tahay toosnaanta,Rabigiin uu baa og kuwa haya wadada hanuunka”.
"قُلْ يَا قَوْمِ اعْمَلُوا عَلَىٰ مَكَانَتِكُمْ إِنِّي عَامِلٌ ۖ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ مَن تَكُونُ لَهُ عَاقِبَةُ الدَّارِ ۗ إِنَّهُ لَا يُفْلِحُ الظَّالِمُونَ (135)
“Waxaad ku tiraahdaa Qoomkayoow u Camal fala sida idinla quman ee aad doonaysaan,anigana aan u camal falo sida ila quman ee uu xaqu yahay,gadaal baad ka ogaan doontaan midka ay u sugnaato ciribta san ee daarta waligeed ah,waxayse dhabtu tahay in aysan liibaaneynin Daalimiintu”.
Afkaarta baadilka waxaa lagu yaqaan in ay kaligood goostaan Xaqa oo ay dadkana ku handadaan aragtiyadooda.
Tusaale ahaan Fircoon wixii uu ku sameeyay Rusushii Xaqa iyo wanaaga Umadda u siday iyo wixii uu kala hortagay waa daliil xujo ku ah kuwa ku dayda ee wadadiisii qaada.
"قَالَ فِرْعَوْنُ مَا أُرِيكُمْ إِلَّا مَا أَرَىٰ وَمَا أَهْدِيكُمْ إِلَّا سَبِيلَ الرَّشَادِ (29)
“Fircoon wuxuu yiri:ma qaadan kartaan aragti aan tayda ahayn aniga uun baana idinku hanuunin kara wadada toosan”.
"وَقَالَ فِرْعَوْنُ ذَرُونِي أَقْتُلْ مُوسَى وَلْيَدْعُ رَبَّهُ إِنِّي أَخَافُ أَنْ يُبَدِّلَ دِينَكُمْ أَوْ أَنْ يُظْهِرَ فِي الأَرْضِ الْفَسَادَ"
“Fircoon wuxuu yiri war idaaya aan Muuse dilee oo ha u yeerto Rabigiisa aniga waxaan ka cabsanayaa in uu diinkiina badalo ama uu Arlada fasahaad ku fidiyo”.
إِنَّهُ لَكَبِيرُكُمُ الَّذِي عَلَّمَكُمُ السِّحْرَ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ مِنْ خِلَافٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ فِي جُذُوعِ النَّخْلِ وَلَتَعْلَمُنَّ أَيُّنَا أَشَدُّ عَذَابًا وَأَبْقَى.
" Muuse waa midka ugu weyn ee sixirka idin baray,waxaan idinka guri gacmaha iyo lugaha markaasaan idinku salbin timirta jirideeda,waxaadna ogaan doontaan bal kaayaga cadaab daran ee baaqi noqda".
Si taa la mid ah Namuudajka Ahlu baadil kasta waxay ahayd inay is hor taagaan afkaar kasta oon tooda ahayn.
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِرُسُلِهِمْ لَنُخْرِجَنَّكُمْ مِنْ أَرْضِنَا أَوْ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَا
"Kuwii xaqa diiday waxay ku yiraahdeen Rusushii loo diray laba mid soo gala inaan dhulkeena idinka saarno iyo inaad Diinteena ku soo noqotaan".
(لَئِنْ لَمْ تَنْتَهِ لأَرْجُمَنَّكَ )
"Hadaadan ka joogin dhagax baan kugu dili".
- قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنْ آلِهَتِي يَا إِبْرَاهِيمُ ۖ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ لَأَرْجُمَنَّكَ.
" Aazara wuxuu yiri: ibraahinow ma waxaad keentay inaad ilaahyadayda nacdo oo aad wax ka sheegto,hadaadan ka joogin dhagax baan kugu dili".
"قَالُوا يَا شُعَيْبُ مَا نَفْقَهُ كَثِيرًا مِمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَاكَ فِينَا ضَعِيفًا وَلَوْلا رَهْطُكَ لَرَجَمْنَاكَ وَمَا أَنْتَ عَلَيْنَا بِعَزِيزٍ "
"Shucayboow anagu garan mayno wax badan oo ka mid ah waxaan aad sheegayso,waxaanan kuu aragnaa mid dhexdeena daciif ku ah,haddii aanan tolkaa kugu xaq dhowreynina waa hore ayaan dhagax kugu dili lahayn"
"قَالُوا أَوَلَمْ نَنْهَكَ عَنِ الْعَالَمِينَ )
"Waxay yiraahdeen Oo luudow sow taan kaa reebnay inaad dadka la hadasho ood meelaha wax ka sheeg-sheegto".
Ugu dambeyntii Islaamka iyo Aragtiyadiisa xaqa ahba Dadka ma caburiyaan ee waxay faraan kuwa la doodaya in ay keenaan xujadooda iyo waxa cilmi ah ee ay ku kabayaan aragtidooda.
قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِين.
“Bal keena xujadiina hadaad run sheegaysaan”.
Wuxuu kale oo Alle yiri:-
"قُلْ هَلْ عِندَكُم مِّنْ عِلْمٍ فَتُخْرِجُوهُ لَنَا ۖ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَإِنْ أَنتُمْ إِلَّا تَخْرُصُونَ"