HAWEENKA XIJAABKA IYO AKHLAAQDA WAA SHARAFTOODA.

 HAWEENKA XIJAABKA IYO AKHLAAQDA WAA SHARAFTOODA.

Gabadha Muslimadda ahi maaha sidii badeeco suuqa taalla oo loogu talo galay uun in ay Raggu ku raaxeystaan.
Haweenka Muslimka ahi Ilaahay wuxuu u abuuray Muhiimad intaas ka weyn oo ah in ay Insaan yihiin oo ay Insaanimada Ragga la wadaagaan. Waxay qayb ka yihiin Bani Aadamka Eebe karaameeyay.
‎وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا “
“Bani Aadamkii waan karaameynay waxaanan ku xambaarnay bad iyo barriba oo waxaan ku irsaaqnay waxyaalaha wanwanaagsan,oo waxaan ka fadilnay oon ka saraysiinay waxyaalo badan oo wixii aan abuurnay ka mid ah”.
Haweenku waxay ka mid yihiin Basharka Eebe ka doortay khalqiga intiisa kale ee uu u igmaday Masuuliyada Dunidan lagu Imtixaamay.
‎وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً ۖ
Bal xus waqti Alle ku yiri malaa'igta aniga dhulka waxaan u samaynayaa mid khaliif ka noqda oo maamula.
Haweenku waxay ka mid yihiin insiga uu Eebe u abuuray in ay Caabudaan oo ay raacaan Amaradiisa wixii uu ka reebayna ka haraan.
"وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ (56)
"Uma aanan abuurin Jini iyo Insiba wax aan ka ahayn in ay aniga i caabudaan-oo ay warkayga yeelaan-“
Cibaadadu maaha Soon iyo Salaad iyo Xaj iwm sida ay dad badanu moodaan,ee cibaadadu waa guud ahaan in la fartoomo Samaha iyo wanaaga Eebe Addoomadiisa ugu baaqayo,lagana haro xumaanta iyo dhibaatooyinka uu Eebe Addoomadiisa ka reebayo.
Marka laga soo tago Amarada Eebe u siinayo si guud Aadanaha Rag iyo Dumarba,waxaa jira Amaro Ragga ku gaar ah iyo kuwa Haweenka ku gaar ah.
Amarada Eebe Dumarka ku gaar ah waxaa ka mid ah kuwa uu ku farayo in ay Xijaabtaan oo ay dusha ka xidhaan dhar oogadooda asturaya oo ka ilaaliya damaca Ragga quluubta ka jiran ee doonaya in ay dhibaateeyaan.
يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ قُل لِّأَزْوَاجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَاءِ الْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِن جَلَابِيبِهِنَّ ۚ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰ أَن يُعْرَفْنَ فَلَا يُؤْذَيْنَ ۗ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا (59)
“Nabiganow far Haweenkaaga,Gabdhahaaga iyo Haweenka Mu’miniinta in ay xidhaan jalaabiibtooda,taasaa u dhow in la aqoonsado in ay Dumar dhowrsoon yihiin oo aan la dhibaateyn. Ilaahayna waa mid dambiyada dhaafa oo naxariista”
وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا ۖ
وَلْيَضْرِبْنَ بِخُمُرِهِنَّ عَلَىٰ جُيُوبِهِنَّ ۖ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا لِبُعُولَتِهِنَّ أَوْ آبَائِهِنَّ أَوْ آبَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ أَبْنَائِهِنَّ أَوْ أَبْنَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي أَخَوَاتِهِنَّ أَوْ نِسَائِهِنَّ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُنَّ أَوِ التَّابِعِينَ غَيْرِ أُولِي الْإِرْبَةِ مِنَ الرِّجَالِ أَوِ الطِّفْلِ الَّذِينَ لَمْ يَظْهَرُوا عَلَىٰ عَوْرَاتِ النِّسَاءِ ۖ وَلَا يَضْرِبْنَ بِأَرْجُلِهِنَّ لِيُعْلَمَ مَا يُخْفِينَ مِن زِينَتِهِنَّ ۚ وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَ الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ (31)
“Far Haweenka Mu’minaadka ah in ay Indhahooda ka laabaan xumaanta oo ay xubnahooga taranka xifdiyaan oo aysan quruxdooda muujinin,ilaa wixii dusha uun ka muuqda mooyee,hana ku dadeen Khimaaradooda laabtooda,oo waa in aysan quruxdooda u muujin cid aan ka ahayn Ragooda,ama raga aabayaashood dhalay ama wiilashooda ama wiilasha ay ragooda haween kale ka dhaleen,ama walaalahood ama wiilasha ay walaalahood dhaleen -ee ay eedada ama habaryarta u yihiin-ama isla haweenkooda dhexdooda,ama ragga-xagga dareenka haweenka raacsan een dumarka damac ka gali karin,ama canuga yar een qaan gaarin ee aysan wali u daahirin cawrada haweenka,sidoo kale dumarka yeysan lugahooda dhulka ku garaacin si loo ogaado quruxda ay qarinayaan-iyo khalkhaalka u xiran-Eebe u towbad keena dhamaantiin Mu’miniintaay waxaad mudan tihiin in aad liibaantaane”.
Haweenku Xijaabku waa u sharaf iyo dhowrsani,wuxuuna muujinayaa karaamadooda iyo in jinsiga iyaga ku diran ee Ragga ahi aysan u noqon kuwo kuwo ka liita oo xayaysiinta Quruxda jirkooda dibadda ka daawadsiiya,ee ay noqdaan Hablo sharfan oo xiriirka qoysnimo oo ay ragga la wadaagayaan uu noqdo mid qofnimo qiimo sare ku kaca.
Gabadha Qurux iyo Hanti darteed loogu soo xisho waxaa ka qiimo badan midda Diin iyo Mabaadii iyo Aqoon loogu soo xisho,waayo xulashada aan qofnimada ku imaan waxay noqon kartaa mid danaysi ku timid oon daa’imin.
Gabadha Muslimada ahi ee wax isku falaysa waa in ay noqotaa mid han sare leh oo sharaf iyo karaamo ku dhan tahay oo iskala weyn mid quruxdeeda baraha bulshada ku iibisa sidi Alaab badeeco ah.
Ugu dambeyn Xijaabka Gabadha Muslimadda la faray maaha Maro qaab gaar ah loo tolay ama midab gaar ah leh ee waa dhar kasta oo Haweenka u asturi kara intaa Eebe faray in ay qariyaan.

wabillahi towfiiq
All
-MAAN-DHISE 

Post a Comment

Previous Post Next Post